Deeq A. Posted April 7, 2020 Cabdinuur Ibraahim Xuseen afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay kala dhex-dhigeen beelo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayey deegaano hoos-yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadaasu ay isugu jiraan boolis iyo milatari, islamarkaana ay dhaqaaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi, si loo qaboojiyo colaadahaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay haatan meel wanaagsan marayaan dadaallada lagu dhameynayo xiisada u dhexeya beelahaasi walaalaha ah. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaal beeleedyo khasaare geystay ay ka dhacayeen duleedka magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites