Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhtar soo bandhigay hab loo neefsado, si loo yareeyo saameynta caabuqa Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

London (PP ) —  Sarfaraz Munshi, oo ah dhaktar sare (consultant) oo ka shaqeeya Queen’s Hospital oo ku yaalla degmada Romford ee London, baa soo bandhigay hab neefsashada loo gaarsiiyo sambabbada haddii caabuqa Covid-19 uu qof ku dhaco.

Dhakhtarka, oo habka ka bartay kaalkaaliso cisbitaalka kala shaqaysa,  ayaa sheegay in marka horeba loo baahan yahay in qofka qaba caabuqa Covid-19 uusan u seexan dhabarka “waayo sambabbadu dhabarka ayay ku yaallaaan”.

WhatsApp-Image-2020-04-06-a.gif?w=1000&sDr Sarfaraz Munshi: Waa in qofka caabuqa Covid-19 qaba uu laabta u seexdo

Waa sidan habka loo neefsafo oo uu Dr Sarfaraz la wadaagay dadka,  farayna inay la sii wadaagaan dad badan.

  1. Shan jeer u neefso si buuxda adiigoo hawada gaarsiinaya sambabbada.
  2. Mar walba shan ilbiriqsi neefta isku celi oo si daa neefta.
  3. Marka lixaad: marka shanta ilbiriqsi ay  dhammaadaan, hal  mar u qufac si xoog leh adigoo gacanta ama xusulka afka saaraya.
  4.  Mar labaad samee neefsashada lixda qaybood ka kooban.                     

Caabuqa Covid-19 wuxuu saameeyaa  habka neefsashada qofka. Dhakhtarku wuxuu sheegay inuusan markii hore ku baraarugsanayn habkan ilaa kaalkaalisadu la wadaagtay.

“Waa inuu qofku laabta u seexdo, iyadoo barkini ay hor taall. Si tartiib-tartiib ah neefta uu qaado” si ay u gaarto u sambabbada buu Dhakhtar Sarfaraz yiri.

Qoraha caanka J.K. Rowling ee buugagga Harry Potter baa ku dhiirrigelisay dadka inay habka neefsashada la wadaagaan dad badan.

Warbixinta ku saabsan talada dhakhtarku bixiyay waxaa markii ugu horreysay lagu soo saaray wargeyska Daily Mail.

© Puntland Post, 2020

The post Dhakhtar soo bandhigay hab loo neefsado, si loo yareeyo saameynta caabuqa Covid-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this