Deeq A. Posted April 7, 2020 Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud. Xiisadaan oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay haatan dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay barakac bilaabeen, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalladaasi. Dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey illaa 20 ruux oo u badan dhinacyadii diriray. View the full article Share this post Link to post Share on other sites