Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka U Dhintay Covid-19 Oo Gaadhay 70 Kun Oo Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Guud ahaan caalamka wuxuu cudurka coronavirus ku dilay 70 Kun oo qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacada Maraykanka ee Johns Hopkins University.

Tan iyo Markii uu Cudurka ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December ee sannadkii hore, wuxuu ku faafay ilaa 183 waddan oo caalamka, tirada kiisaska cudurka ee caalamkan waxay ay gaadhay hal milyan iyo saddex Boqol oo kun oo qof.

Cudurka Coronavirus oo aan weli loo helin daawo iyo talaal lagaga hortego wuxuu aad u saameeyay wadamada Talyaaniga, Spian, Ingiriiska iyo Maraykanka. Talyaaniga waxaa cudurka u dhintay dad ka Badan 15 kun oo qof, halka wadanka Spain uu dilay 13 kun oo qof, Wadanka Maraykana waxaa u dhintay Cudurka dad ku dhow 10 kun oo qof. Sidoo kale wadanka Faransiiks waxaa cudurka u dhintay 8 kun oo qof.

Tirada dadka Laga daaweeyay Cudurka ayaa hadda ah 270,000 kun oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this