Sign in to follow this  
Deeq A.

Xassan Sheikh oo baaq Nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyo ka dhacay Wanlaweyn iyo duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa ka hadley dagaal beeleedyada ka dhacaya degaannada duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose iyo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xasan sheikh ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda degaannada lagu dagaalamayo in ay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyadaas.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dhiig la daadiyo mid kale oo la sii daadiyo waxaan ahayn aysan ka dhalaneyn dagaal beeleedyada,isla markaana loo baahan yahay in loo degdego joojinta colaadda iyo ka shaqeynta dib u heshiisiin waarta.

Dagaal beeleedyadyadii ka dhacay degaannada duleedka Galbeed kaga beegan Kismaayo iyo degmada Walanweyn ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sababeen dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale.

PUNTLAND POST

The post Xassan Sheikh oo baaq Nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyo ka dhacay Wanlaweyn iyo duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this