Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha ee wasaaradda Caafimaadka oo xabsiga la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee dowladda Saomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Cabdullaahi Cali Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha xafiiskiisa ay ka wateen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ma cada illaa hadda sababta ka dambeysa xariga loo geystay agaasimaha guud ee wasaaaradaha caafimaadka xukuumadad Soomaaliya, balse warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in loo heysto arrimo la xariira musuq-maasuq iyo wax is-daba marin.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan xariga mas’uulkaasi.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii xasbiga la dhigay agaasimaha maamulka iyo maaliyada wasaarada Caafimaadka, kaas oo sina loo heysto eedeymo musuq-maasuq ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this