Deeq A. Posted April 7, 2020 War-saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeymo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa qoraalkaan ku sheegay in howlgalka duqeymahaasi ay fuliyeen, iyaga oo garab ka helaya ciidamada, sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegtay in saddex duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Mubaarak uu ku dilay 8 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay. AFRICOM ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobaha la duqeeyey. Maalmihii u dambeeyey Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, gaar ahaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites