Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn lagu dilay dad rayid ahaa oo ka dhacday degmada Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn xoogan ay diyaarado dagaal ka fuliyeen duleedka degmada Jilib oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntaan oo ka dhacday deegaanka kalaguur oo 20 illaa 15 KMG u jira degmadaasi auaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo gaartay dadka rayid ah.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in illaa labo qof oo shacab ahaa lagu dilay weerarkaasi dhanka cirka ah, kuwaas oo ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xubno ka tirsana Al-Shabaab lagu dilay duqeynta, walow aan la shaacin tiradooda.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn cida fulisay weerarkaan ayaa haddana Mareykanka maalimihii la soo dhaafay wuxuu kordhiyey howlgallada uu ka fuliyo K/ Soomaaliya

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Mareykanka lagu eedeeyey in duqeymaha uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya ay khasaarooyin ka soo gaaraan dadka rayidka ah, islamarkaana aysan jirin cid kala xisaabtanta, walow taliska AFRIOCM uu iska fogeeyey arrintaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this