Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Muudey: Cadaalad darro ku kooban HirShabelle State ayaa ka jirta dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa aad ugu dhaliilay dowladda dhexe in ay Hirshabelle State duudsiisay xuquuqdii ay ku laheyd ka maamul ahaan.

Waxa uu bartiisa facbooka kusoo qoray sidaan :-

“Hadii wasaaradihii federaalka aysan si lamida dowlad goboleedyada dalka aysan noogu cadaalad falayn.

Hadii dakhliyadii dalka soo galay oo loogu tala galay in loo wadaajiyo dhamaan maamullada kajira dalka aan si rasmiya naloo soo gaarsiinayn.

Hadii golayaashii nagu matalayay dowladda dhexe aysan samaynayn udoodista iyo soo dhicinta waxyaabaha kamaqan halkii ay kasoo jeedeen.

Hadii dadkeenii naga sugayaan in aan gaarsiinno halka ay ku hamminayeen oo aan wax garab istaag ah aanan kaheysan, ganacsatadii, siyaasiyiintii,cuqaashii iyo wax galkii kasoo jeedaay deegaannadeena.

Hadii duruufaha aan ku shaqayno maalin kasta aysan u muuqanayn dadkeena qaar, waa muhiim in aan faham dheeri ah kala wadaagno meelaha gaabiska kajiro.

Hadii saraakiishii kasoo jeedday Hirshabelle State qaar loo aqoonsanyahay saraakiil qabiil, qaarna shaqadii laga fariisiyay, halka kuwii deegaannadeena kahowl gali lahaa aanan lasiineyn agabyadii ay ugu siffeyn lahaayeen kooxaha qaswadayaasha.

Waa muhiim in su’aalo layska waydiiyo waxa annaga aan ku weynay waxyaabihii qoonda ahaan nagu soo aadi lahaa halka ay ku aaddisay dowladda dhexe.

Hirshabelle State waxay utaagan tahay kadhabeynta iyo udhabar adeegadda shacabkeeda iyo deegaannada hoos yimaada.

Waxaan halka aan maanta joogno ku gaarnay dhabar adeeg iyo ilaalinta midnimada dadkeena iyo systamka noo dhisan.

Waxaan gaarnay heer aan soo saarno 1200 oo askari, waxaan abuurnay jawi xasilooni, wali magaarin heer dhameeystiran laakin waxaan ku dadaali doonnaa in aan gaarno xasilooni amni,xasilooni siyaasadeed iyo ku dadaalidda wada jirka shacabkeena.

#HIRSHABELLENIMADAANAGUWADAFILAN
Hassan Abdulkhader Mudey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this