Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo Dhuusamareeb ka shaaciyey inuu tanaasulay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihihi hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu u tanaasulay danaha guud ee reer Galmudug, si loo helo maamul mid ah oo loo dhan-yahay.

Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya uu la shaqeyn doono maamulka uu hoggaamiyo, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanada Galmudug inay la shaqeeyaan maamulka cusub, si looga gudbo caqabadaha haatan jira.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa Gaalkacyo ayaa si weyn Dhuusamareeb ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee maamulka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this