Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor iyo Xaaf Oo Ku Kulmay Deegaanka Godinlabe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxa ay magaalada Godinlabe kula kulmeen madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa waxa uu xalay ku hoyday magaalada Godinlabe isaga oo ka soo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana maalmihii la soo dhaafay Gaalkacyo ku sugnaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaana xildhibaanadaasi ay Xaaf ku qancinayeen in uu la kulmo madaxweyne Qoorqoor maadaama Xaaf uu horey u qaadacay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb balse maanta ayaa la filayaa in madaxda ku kulantay Gidinlabe ay sii gaareen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xaaf lagu qanciyay in uu tanaasulo islamarkaana uu ka qeyb galo caleemasaarka madaxweynaha Galmudug ee Axmed Qoor iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this