Sign in to follow this  
Deeq A.

Fu’aad Shongole oo tilmaan iyo sabab yaab leh ka bixiyey cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo kamid ah Culumada Al-Shabaab ayaa ka hadlay cudurka Coronavirus ee sida weyn ugu faafayo Addunyada.

Fu’aad Shongole oo hadal ka jeedinayey masaajid ku yaalo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in Caronavirus uu yahay cudur uu Alle usoo diray kuwa diiday in Diintiisa lagu faafiyo adduunyada, sida uu hadalka u dhigay.

Fu’aad oo ah daaciga ugu weyn ee dhalinyarada Al-Shabaab ka dhaadhiciyo Jihaadka ayaa sheegay inay “waajib tahay in Muslmiinta ay ku farxaan dhibaatada ku dhaceyso Gaalada, gaar ahaan cudurkaan Caronavirus” oo uu ku sheegay inuu yahay mid uu Alle ku qabanayo kuwa Diintiisa diiday.

Hase yeeshee cudurkan ayaan muslim iyo gaallo kala soocin, waxaana ku naf waayey kumanaan muslmiin ah oo ay ku jiraan Soomaali badan.

Sheekh Fu’aad wuxuu sheegay in muslimiintu ku faraxsan yihiin, sida uu yiri “dhibaatada gaaraysa Mareykanka iyo xulufadiisa sida Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska, mar uu ka hadlayay dulmiga Mareykanka ayuu sheegay in uu dhibaato dhan walba ah dhadhansiiyay muslimiinta balse hadda uu wajahayo ciqaabta Rabbi.

Fu’aad Shongole ayaa sheegay in dulmiga Mareykanka uu gaaray inuu isaga xataa ka baxsano waayo oo uu awoodi waayey inuu ilmihiisa korsado, sida uu hadalka u dhigay.

Culimada Islaamka ayaa horey uga digay in cudurkan loo qaato mid ku kooban gaallada, taasi oo caddeymaha la hayo ay diidayaan, waxayna ku qeexaan cudur muslim iyo gaallo cid ka baxsaneysa aysan jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this