Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda ganacsiga oo war kasoo saartay haddii ay jirto cabsi raashin yari oo ka dhalan karta Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inaysan jirin cabsi laga qabo raashin yari dalka ka dhacdo, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maciishadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed.

Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii  Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xidhiidha badeecadaha dalka gaar ahaan kaydka raashinka.

Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in illaa hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wer-war ah sidoo kale na ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan.

Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli ba tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo xanuunka Coronavirus (COVID-19).

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maceeshada dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshada dalka.

1ff86976-56b2-4979-af27-b9ab8504bdc1.jpg 23ff592b-2926-4856-a156-109025faca45.jpg 96c5b730-5161-4ff5-a019-4c74ca902a97.jpg 680cba01-c3dd-4450-923f-4bc730e84393.jpg 094102d4-6cc8-4a32-b909-ac46bf0c343a.jpg bba592fb-ebff-4528-8964-5cec0b36ced7.jpg eb2a71a2-eed7-41fe-87c8-d8e4d4eb3eea.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this