Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Khudaarta oo ka cabanaya Canshuur xad-dhaafa oo Puntland ku soo rogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsatada Puntland ee Khudaarta ka keena Koonfurta Soomaaliya iyo dalka Ethiopia, oo maanta warbaahinta kula hadla Garoowe, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay Canshuur xad-dhaaf ah oo ay ku soo rogtay Puntland.

Ganacsatadu, waxay sheegeen in Khudaarta ay ka keenaan Ethiopia ay Puntland ku canshuurto saddex goobood oo kala ah; Kastamka Falaydhyaale, degaanka Buura-wadal iyo Kantaroolka bixin ee Garoowe, kuwaas oo sida ay tilmaameen lagaga qaado canshuur xad-dhaaf ah oo aysan awoodi Karin.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay in Somaliland iyo Ethiopia mid kasta hal meel ku canshuuro Khudaarta, si ka duwan Puntland oo saddex meelood ku canshuurta, islamarkaana sii kordhisay canshuurta ay ka qaaddo Ganacsatadaas danyarta ah.

Ganacsatada qaarkood, waxay sheegeen in aysan wax dhaqaale ah oo ay ku maareeyaan Nolosha Qoyaskooda ka soo gelin Khudaarta ay keenaan, maadaama ay isu’gu darsameen Maciishaddii oo qaaliyowday iyo Canshuurta badan ee la saaray.

Ugu dambeyntii,  Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada ay khusayso, ayay ka codsadeen in laga khafiifiyo Canshuurta xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay, taasi oo weliba sicir barar ku keentay qiimaha Khudaarta ee suuqyada Puntland.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Ganacsatada Khudaarta oo ka cabanaya Canshuur xad-dhaafa oo Puntland ku soo rogtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this