Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime wasaaradeed oo musuq-maasuq loo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha waaxda maaliyadda wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle ayaa xalay lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow wasaaradda caafimaadka.

Buulle oo ay gurigiisa kala soo baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu musuq-maasuqay lacago ay dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, taas oo loogu talagalay xakameynta caabuqa Corona.

Sidoo kale xiritaanka agaasimaha wasaaradda caafimaadka ayaa ka dambeeyey, kadib markii uu xafiiskiisa booqasho ku tegay hanti dhowraha guud ee Qaranka, Mudane Maxamed Cali (Afgooye), kaas oo wax ka weydiiyey dhaqaalaha loogu talagalay la dagaalanka cudurka faafa ee COVID-19.

Lacagta lagu eedeeyey inuu lunsaday agaasimaha ayaan la shaacin tirada ay la’eg-tahay, waxaana weli ku socda baaritaano dheeraad ah.

Ma’ahan mas’uulkii ugu horreeyey ee loo xiro wax is-daba marin, tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, Maxamed Cadbullaahi Maxamed (Farmaajo).

Xariga agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka ay shaacisay inay guul ka gaartay barnaamijka deyn cafinta, kaas oo ay shuruudihiisa ka mid ahaayeen la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo dib u habeynta maamulka maaliyadeed ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this