Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxkamadda Sare ee Dalka oo Soo Saartay Go’aanno

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa lagu kordhiyay muddadii la hakiyay dhageysiga dacwadaha madaniga ah, fursadaha dacwadaha cusub, racfaan qaadashada iyo fulinta ee madaniga ilaa amar dambe si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dacwadaha ciqaabta lagu qaadi doono qaab maqal iyo muuqaal ah si loo badbaadiyo badqabka maxaabiista iyo in la yareeyo celeyska xabsiyada.

Dhanka kale dacwadaha yar yar ayaa lagu sheegay qoraalka in lagu qaadi doono saldhigyada waxaana la faray taliska asluubta in ay fududeeyaan qaadista dacwadaha lagu qaadayo qaabka online-ka ah.

Ugu dambeyn qoraalka waxaa lagu caddeeyay in ku soo laabashada shaqooyinka ay ku xirnaan doonto talooyinka ay soo jeediso wasaaradda caafimaadka ee la xiriira COVID-19.

Halkaan ka akhriso qoraalka 

warqadda.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this