Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ururka 41-aad guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dhamme C/qaadir Cali Nuur oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka oo uu u jeedkiisu ahaa mid waddo furis ah ay ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Buul-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in inta ay wadeen howlgalkaasi ay ku dileen illa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Sidoo kale Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa intaasi ku daray inay soo badbaadiyeen illaa sadsex gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah.

Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab opo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada HirShabelle ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this