Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Mas’uul ka tirsan Puntland oo qarax lagu dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   
sawir-hore.png?w=1000&ssl=1Sawirkan waa mid hore oo qarax ka dhacay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax lagula eegtay mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Mas’uulkaas oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha wasaaaradda Maaliyadda ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Mas’uulka qaraxa ku dhaawacmay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi-Gube waxaana dhaawaciisa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay lug ku go’day mas’uulkaas inkastoo dhaqaatiirta gacanta ku haysa aysan weli faahfaahin ka bixin xaaladdiisa caafimaad.

PUNTLAND POST

The post Gaalkacyo: Mas’uul ka tirsan Puntland oo qarax lagu dhaawacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this