Sign in to follow this  
Deeq A.

Halgamaa somaliyeed oo cudurka Halista ah ee coronavirus ugu geeriyooday magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   
boolaay.jpg

Caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa waxaa maanta cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday halgamaa Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallintii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay, isagoo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka coronavirus oo kusii faafaya caalamka oo dhan, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 60 kun oo qof.

Geerida Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa, waxaana Marxuumka uu kamid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ka nool raggii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL.

Dalka Ingiriiska ayaa cudurka coronavirus waxaa ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu ka mid yahay ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo maalmo kahor isna ku geeriyooday magaalada London.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this