Deeq A. Posted April 5, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan howlgallo baaritaano ah oo saaka ciidamada Booliska HirShabelle ay ka wadaan magaalada Jowhar ee caasimadda gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib qarax xoogan oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Ciidamada ayaa baaritaanadaan ku baadi goobaya shaqsiyaadkii ka dambeeyey qaraxaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Afhayeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalladaasi iyo xaaladda mas’uuliyiinta ku dhaawacantay qarixii shalay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Nuuradiin-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites