Deeq A. Posted April 5, 2020 Maxamed Xuseen Cali oo ka mid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa Radio Shabelle u sheegay inay dhibaato ku qabaan kooxo burcad ah oo xilliyada habeekii ah dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan gudaha degmadaasi. Goobjoogahaan ayaa tilmaamay in shacabka degmada Kaxda ay haatan wajahayaan xaalad amni oo ah tii ugu darneyd, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Kaxda inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Kaxda-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites