Deeq A. Posted April 4, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay dib u dhigtay wakhtigii loo qorsheeyay in la galo Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12aad iyo 8aad sababa la xariirta Coronavirus. Qoraal lasoo dhigay Bogga baraha Bulshada ay ku leedahay wasaaradda ayaa lagu wargaliyay Ardayda in dib loogu soo sheegi doona Waqtiga rasmiga ah ee uu bilaaban doono ama la galayo Imtixaanka. “Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin,” ayuu u qornaa qoraalka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu mar sii horeysay u shaaciyey in muddo uusan cayimin la joojiyey xaadirida goobaha waxbarashada, talaabadaas oo qeyb ka ah ololaha lagula dagaalamayo faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Covid-19. View the full article Share this post Link to post Share on other sites