Sign in to follow this  
Deeq A.

Qofkii labaad oo u shaqeeya QM oo qaadey Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska (QM) ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu qabo Cudurka Covid 19, sidda uu sheegay Xafiiska (UNSOM) ee Muqdisho.

Qofkan oo ajanabi ah ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska (UNSOM) waxaa qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaas oo uu dalka soo galay, waxaana la geeyay goob karantiil oo gudaha garoonka ku taalla.

Xalay waxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in labo ruux oo mid ajanabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7-kiis.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this