Deeq A. Posted April 4, 2020 Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, Cumar Sheekh Nuur oo la hadlay Radio Shabelle ayaa sheegay inay wacyi-gelin looga hortagayo cudurka Coronavirus ka bilaabeen magaaladaasi oo ah caasimadda rasmiga ee K/ Galbeed. Mr. Cumar ayaa tilaamay inay shacabka siiyeen talooyin caafimaad oo ku aadan khatarta cudurkaasi, isagoo ugu baaqay inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hakad la geliyey meelaha ay dadka isugu yimaadaan iyo sidoo kale goobaha waxbashada ee degmada Baraawe. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Wax.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites