Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha Booliska gobolada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha qeybaha Booliska ee gobolada Puntland.

G/sare Muumin Cabdi Shire oo ahaa Taliyihii qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa loo bedelay gobolka Mudug, halka G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir oo ahaa Taliyaha qeybta Booliska Karkaar loo bedelay Taliya qeybta Nugaal.

Sidoo kale Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar ayaa loo magacaabay G/sare Cabdi Casayr Yuusuf.

Waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii qeybta Booliska Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad).

Hoos ka akhriso digreetada

Garoowe: 04 April 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray , Xeer Madaxweyne Lr. 25 iyo Lr.26 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.
  2. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
  3. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

PUNTLAND POST

The post Deni oo is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha Booliska gobolada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this