Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shaacisay inay weli jirto khatarta miinooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli ay ku beegan tahay maalinta loo asteeyey maalinta miinada aduunka ayaa waxaa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu soo saaray qoraal uu uga hadlay miinada iyo saameynta ay weli ku leedagay gudaha Soomaaliya.

Ergeyga QM ee Soomaaliya, danjire James Swan ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay iskaashi lagaga hortagayo weerarada miinada ee ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu xusay in miinada aysan kaliya khatar ku aheyn nolosha dadka, balse ay dib u dhigeyso dhismaha dowladnimada iyo hormarka dhaqaalaha dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in iyadoo xilligan lagu jiro feejignaan ku aadan cudurka Coronavirus, hadana ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada dadaalada lagu yareenayo khatarta miinada.

Tan iyo sanadkii 2018-kii QM  ayaa sheegtay qaraxyada miinada ay dhibaatooyin ka soo gaareen in ka badan 3,279 ruux, taasina ay muujineyso in wali ay jirto khatarteeda.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this