Deeq A. Posted April 4, 2020 Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye. Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed C/wali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas. Dilka marxuum Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye ayaa ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28-kii bishii Maarso ee Sanadkan 2020-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites