Deeq A. Posted April 4, 2020 Warar dheeaad ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari Dameer ay la socdeen Aabe iyo wiil uu dhalay oo ku socdaalayey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay wiilka, islamarkaana uu dhaawac soo gaaray Aabaha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ilagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka wiilka iyo dhaawaca Aabaha ay goobta ka soo qaadeen dad shacab ah oo ku baxay dhibaatada meesha ka dhacday Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulkaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi. Miinooyinka jidadka lagu aaso ayaa inta badan waxyeelo ay ka soo gaartaa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana dhacdadaan aad uga naxay bulshada ku nool nawaaxida deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites