Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabe iyo wiilkiis oo miino ay kula kacday SH/HOOSE

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan qarax saaka ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari Dameer ay la socdeen Aabe iyo wiil uu dhalay oo ku socdaalaayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay wiilka, islamarkaana uu dhaawac soo gaaray Aabaha, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ilagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka wiilkaaasi iyo dhaawaca Aabaha ay goobta ka soo qaadeen dad shacab ah.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulkaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro miino iyo kuwa jidgal ah ku qaada ciidamada huwanta ee ka howlgala gobolkaasi, inkastoo aysan sheegan qaraxaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this