Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay raggii ka dambeeyey DILKA Shaafici Cabdi Xaaji

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xuku adag ku riday, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-Yarey) oo 28-kii bishii hore ee March magaalada Dhuusamareeb ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Maxamed oo ka mid ah ilaalada Senator Yuusuf Geelle (Dhagey) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dilay Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo watay gaari yar oo nuuca raaxada ah, wuxuuna marxuumka sidoo kale ka tirsanaa ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in dil toogasho ah lagu xukumay Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-Yarey) oo ah qisaasta marxuumka.

Sidoo kale maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ciidan ah ku riday, Maxamed Cabdiwali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaasi.

Ragga la xukumay ayaa waxaa laamaha amniga ku wareejiyey Sanator Dhagey oo ilaaladiisa ay ka mid ahaayeen, isagoona tacsi u diray ehellada marxuum Shaafici.

Ugu dambeyn xukun-sanayaasha ayaa heysta fursad muddo 30 cisho ah oo ay ku qaadan karaan racfaan, haddii aysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamada darajada 1-aad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this