Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo gacmo kale ku eedeysay hurinta dagaallada J/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka ayaa ugu horreyn waxaa looga digay sii socoshada dagaalladaasi oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi.

Sidoo kale Jubbaland ayaa tacsi u dirtay dhammaan dadkii ku dhintay dagaalladaasi, iyadoo kuwa dhaawaca ah u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jubbaland ay ka war-heyso gacmo kale oo hurinayo dagaalladaasi, kuwaas oo ay ku eedeysay inay leeyihiin dano gaar ah.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa fartay laamaheeda amniga inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah, islamarkaana ay gacan bir ku qabtaan cidkasta oo ku lug leh dagaalladaasi oo ay illaa iyo hadda ku dhinteen ku dhowaad labaatan qof oo u badan dhinacyda diriraya.

J.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this