Deeq A. Posted April 4, 2020 Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wasiir Oomaar ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalladaasi, islamarkaana labada beelood ay wax weliba ku dhammeeyaan wadahadal. Sidoo kale wuxuu fariin u diray dad uu sheegay inay baraha bulshada ka hurinayaan colaadaasi, isagoo ka dalbaday inay joojiyaan buun-buuninta ay wadaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Zaki-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites