Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Qaranka oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha Xisbiyada ka dhisan Muqdisho ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa war ka soo saaray doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkan 2020/2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madashada Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka caga-jiidayso in dalka doorasho ka dhacdo, ayna dhaqaajin la’dahay taaba gelinta hanaanka xisbiyada badan ee haatan dalka ka jira.

War-saxaafadeedka Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhacaan waqtgii loogu talagalay isla markaana aysan dhicin wax muddo kororsi ah oo ay sameeyaan Madaxda talada dalka heysa.

Madasha Xisbiyada ayaa tilmaamay in dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka jira looga baahan yahay inay u qoondeeyaan dhaqaalo doorashooyinka soo socda, sidoo kalena hanaanka Doorashada dalka inuu noqdo mid mideysan oo isku mid ah.

1-6.jpg?w=1000&ssl=1 2-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madasha Xisbiyada Qaranka oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this