Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo lagu cambaareeyay qoraal ay faafisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ismaaciil Cismaan, teliye ku xigeenkii hore ee NISA, oo hadda ku nool waddanka Mareykanka ayaa hay’adda NISA ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay anshaxa lagu dhaqo hey’adaha sirdoonka caalamka, isaga oo cabbirayay aragtidiisa ku aaddan hadal ay shaacisay hey’adda NISA

Ismaaciil wuxuu tilmaamay in ay gef weyn aheyd in hey’ad sirdoon ay bulshada la wadaagto eedeyn la xiriirta sirta qaranka oo loo heysto qof wariye ah taas beddelkeedna ay aheyd in ugu yaraan haddii laga fursan waayay xogta la siiyo warbaahinta qaranka oo ay ka warbaahin ahaan shaaciso

Tallaabada ay hey’adda nabad sugiddu ku dhaqaaqday ayuu tilmaamay in ay tahay mid aad looga habboonaa laakiin hadda looga fadhiyo in ay soo caddeyso eedeynta ay sameysay

Haaruun Macruuf oo ah wariye ka tirsan VOA-da horena ula soo shaqeeyay BBC-da ayaa aad wax uga qora arrimaha kooxaha xagjiriinta, ammaanka iyo siyaasadda geeska afrika, wuxuu hore uga qeybqaatay diyaarinta buugga inside al-shabaab oo ay wada qoreen isaga iyo Dan Joseph

Hadda waxyaabaha haaruun macruuf lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in uu lacag ku siiyo xubno al-shabaab ka tirsan helidda xogaha al-shabaab qoraal kooban oo ay NISA soo dhigtay twitter-ka ayaa haaruun lagu eedeeyay in uu halis ku yahay shaqada hey’adda lama sii faahfaahin sida uu halis ugu yahay isla markaana lama soo bandhigin caddeymo xaqiijinaya eedeynta

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this