Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo jabhado “ku abuureyso Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Kenya ay jabhado ku abuureyso gudaha waddanka.

Daahir Aamiin Jeesow ayaa u sheegay Shabelle in qorshaha ka dambeysa abuurista jabhadaas ay salka ku hayso danaha guud ee Kenya.

Xubno uusan carabaabin ayuu tilmaamay in ay taageerayaan qorshahaas oo uu ku tilmaamay mid liddi ku ah qaranka Soomaaliyeed.

Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaqsiyaadkaas ku booriyey in ay dib uga noqdaan isla markaana ay xormeeyaan qaranimada, sidda uu yiri.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya xili duleedka Kismaayo ay ka aloolsan tahay xiisad colaadeed oo sababtay geerida dad badan oo shacab ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this