Deeq A. Posted April 3, 2020 Muqdisho (SMN) – Guddiga sare ee loo xil-saaray xakamaynta xaaladaha cudurka COVID19 oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaal Martiini ayaa sheegay in xarunta karantiilka Muqdisho lagu hayo 5-qof oo laga helay CronaVirus iyo 15 kale oo baaritaan lagu hayo. Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa sheegay in dadka ay baaritaanka ku wadaan ay dhowaan soo bixi doonto natiijadooda. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in shanta qof ee laga helay caabuqa ay laba kamid ah yihiin ajaaniib. Mr Jalaaludiin oo xubin ka ah guddigaas ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in dadka ay soo sheegaa hadii ay iska shakiyaan. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu carabka ku adkeeyay in ay qaadeyso talaabo kasta si looga hortago faafitaan horleh. Ugu dambeyntii, wuxuu meesha ka saarey in ay jirto faafitaan uu caabuqa ka sameeyay gudaha dadka, arrintaas oo uu tibaaxay in ay khatarteeda leedahay kuna dedaalayaan siddii ay uga hortagi lahaayeen, isagoo garab waydiisatay Ummadda Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites