Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil ka dhacay Kismaayo iyo xiisad dagaal oo jirta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba qof ayaa xalay lagu toogtay magaalada Kismaayo, xarunta ku meelgaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland.

Wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegay in uu u dhintay rasaas ay ku fureen dabley, halka haweenay ay ku dhaawacantay falkaas.

Cabdirashiid Macalin Gaas, korneyl ka tirsan ciidamada dowladda ee Jubooyinka, ayaa dhacdadaas ku eedeeyay askarta Jubaland.

Wareysi uu siiyey Shabelle ayuu ku sheegay in ay nasiib darro tahay xasuuqa shacabka ee kasoo cusboonaadey magaalada, sidda uu hadalka u dhigay.

Saraakiil ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayuu tibaaxay in ay ka dambeeyaan, oo sheegay in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil.

Dhanka kale, xiisad dagaal ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee Kismaayo, halkaasoo shalay ay ku dagaalameen beelo.

Dagaaladaas ayaa lasoo wariyey in ay ku dhinteen in ka badan 20 kuna dhaawacmeen tirro kale oo intaas ka badan.

Baaqyadda loo jeedinayo dhinacyadda ayaa isa soo taraya, iyaddoo ay dirayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this