Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Qardho kula kulmay Boqor Burhaan iyo Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa halkaasi kulan kula qaatay laba kamid ah isimada waaweyn ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan siyaasiyiin, wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland iyo maamulka gobolka Karkaar, ayaa kulan la qaatay boqor Burhaan boqor Muuse iyo Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo kamid ah isimada Soomaaliyeed, gaar ahaanna Puntland.

Mudane Axmed Karaash oo maanta socdaal ku tegay magaalada Qardho ayaa sidoo kale Xerada Xorgoble Qardho, wuxuu tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo halkaas tababar uga socday lixdii bilood ee la soo dhaafay.

2-5.jpg?w=1000&ssl=1 3-4.jpg?w=1000&ssl=1 4-3.jpg?w=1000&ssl=1 5-3.jpg?w=1000&ssl=1 6-2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Qardho kula kulmay Boqor Burhaan iyo Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this