Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakhtiga uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka-Waxbarashada-Puntland.jpg?w=100Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa mar kale lagu go’aamiyay, in dhammaan Goobaha Waxbarashada Puntland ay sii xirnaadaan mudda laba todobaad ah oo ku eg 15-ka bishaan April 2020, si looga gaashaanto faafidda cudurka Coronavirus.

War-saxaafadeedka oo ku taariikhaysan 2-Apr-20 20 ee ku beegan maanta oo Khamiis ah, ayaa ku boorriyay Maamulka iyo Macallimiinta Iskoollada Puntland, in ay adeegsadaan Hababka Casriga ah ee Waxbaridda Ardayda, si loo dhammaystiro Casharrada ka baaqday Muqarrarka Sannad-dugsiyeedka 2019/2020.

Wasaaraddu, waxay Maamulayaasha iyo Macallimiinta Iskoolada Puntland ku wargelisay, in ay u diyaar-garoobaan Imtixaanka Naqliga ah oo sida qorshaysan bilaaban doona 18-April 2020, haddii duruuftu saamaxdo.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland uu bilaaban doono 30-May 2020, balse la qiimayn doono hadba sida xaaladdu noqoto , maadaama uu dunida ku sii fidayo xanuunka COVID-19.

1-4.jpg?w=1000&ssl=1 2-4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wakhtiga uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this