Deeq A. Posted April 2, 2020 Liiska Dalalka aan weli lagu arag Xanuunka Coronavirus Ma jiro wax coronavirus ah oo lagu arkay Antarctica Maxay ka midaysan yihiin, jasiiradda Tuvalu ee ku taalla badweynta Pacific-ga iyo jamhuuriyadda Turkmenistan ee ka tirsanaan jirtay Soofiyeetka? Labaduba waxa ay ku jiraan liiska dalalka iyo deegaannada aanan shaacin hal kiis oo cudurka coronavirus ah wixii ka horreeyay 1-da bishan Abriil. Tirada rasmiga ah ee ugu dambaysay oo ay isku soo dubbaridday Jaamacadda Johns Hopkins waxa ay muujinaysaa in Covid-19 lagu arkay ugu yaraan 180 dal iyo deegaanno, halka tirada dadka cudurkaas uu ku dhacay ee caalamka ay kor u dhaaftay 862,000. Cudurkaas coronavirus waxa uu caalamku ku dilay in ka badan 48,00 halka in ka badan 200,000 oo qof ay illaa iyo hadda cudurkaasi ka bogsoodeen. Hasayeeshee ku dhawaad 40 deegaan oo ku yaal daafaha caalamka ayaan – ugu yaraan si rasmi ah – weli u diiwaangelin kiis coronavirus ah. Maxay noqon kartaa sharaxaadda sababta aanan dalalkaas loogu arkin kiisaska fayraska Covid-19? Inta badan waa sida Tuvalu; jasiiradaha ay dadkoodu aadka u yar yihiin misana aanay dad badan u safrin. Qaar ka mid ah jasiiradahaas waxaa loo tagaa dalxiis balse xayiraadaha lagu soo rogay duulimaadyada caalamiga ah waxay horseedeen inay joogsadaan inta badan dadkii deegaannadaas tegi jiray. Maamullo lama galaan ah Deegaannada qaar, xaaladdu way yara cakiran tahay. Turkmenistan, waxaa ka jira mid ka mid ah maamullada ugu caburinta badan dunidan, waxayna dhab ahaantii mamnuucday kalmadda “coronavirus”. Sidaas oo kale, Kuuriyada Waqooyi waxaa shaki laga muujiyay habka rasmiyaga ah ee aanay cudurkaas uga hadlin. Dowladda Turkmenistan ayaa waxa ay mamnuucday kalmadda coronavirus Kuuriyada Waqooyi waxaa ku hareeraysan qaar ka mid ah dalalka uu cudurkaasi saameeyay, oo uu ku jiro waddanka Shiinaha halkaas oo ah bartii uu ka bilowday fayraska safmarka ah. Hasayeeshee maamulka Pyongyang ayaanan weli ku dhawaaqin hal kiis oo cudurka Covid-19 ah. Dagaal sokeeye Waxaa jirta cabsi ah suuragalnimada in cudurkan uu si fudud oo baaxad wayn uu uga xawoo bato hannaanka caafimaadka ee Kuuriyada Waqooyi, taas oo ay saameyn wayn ku reebtay maamul xumo iyo cunaqabataynta caalamiga ah ee dalkaas loogu soo rogay barnaamijkeeda hubka nukliyeerka. Yemen waa dal kale oo go’doonsan. Dalkan ku yaal Bariga Dhexe waxaa ka soconayay dagaal, kaas oo howl adag ka dhigay tijaabada iyo diiwaangelinta kiisaska. Waddanka dariska la ah dalkaas ee Sucuudi Carabiya, kaas oo la dagaalamaya fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, ayaa dabayaaqadii bishii Maarso wuxuu ku dhawaaqay in kiisaska cudurka coronavirus ay gaareen 1,563. Dalka Yemen oo muddo shan sanadood ah uu ka socday dagaal sokeeye ayaa laga yaabaa inuu saameeyay soo tabinta kiisaska cudurka Covid-19 Qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaanan illaa hadda xaqiijin wax kiisas oo Covid-19 ah, hasayeeshee taas waxaa lala xariirin karaa gabaabsi dhinaca qalabka cudurka lagu baaro. Antarctica ayaa ah qaaradda kaliya ee aanan weli lagu arkin cudurka coronavirus. Markii laga soo tago juquraafi ahaa inay ka go’doonsan tahay dunida inteeda kale, Antrarctica ayaa sidoo kale dadka waxa ay u kala deggan yihiin si teel teel ah, iyadoo dadkana aanan loo ogolaan goobaha qaar xarumo cilmi-baaris oo caalami ah awadeed. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites