Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo war kasoo saartey geerida Nuur Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga tacsiyadeeyay geerida allaha u naxariistee ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

AMISOM ayaa sheegtay in geerida allaha u naxariistee marxuum Nuur Cade ay uga tacsiyadeeneyso shacabka Soomaaliyeed,dowladda federaalka iyo eheladii uu ka baxay allaha u naxariistee ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambasadoor Francisco Madeira ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya afka taliska guud ee AMISOM iyo midowga Africa uu dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyadeenayo geerida allaha u naxariiste ra’iisal wasaarihii hore ee dalka marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade.

Tacsida AMISOM ay ka direyso geerida ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Nuur Cade ayaa kamid noqonaya dhambaalo tacsi oo beesha caalamka ay ka dirayaan geerida allaha u naxariiste ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa xilka ra’iisal wasaarenimo ee dalka hayay inta ii u dhexeysay 2007-2009,waxaana ra’iisal wasaare u magacabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo hogaaminayay dowladii ku meel gaarka aheyd.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka allaha u naxariistee marxuum Nuur Cade wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938-dii,waxaana shalay isagoo 82 jir ah uu ku geeriyooday magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this