Sign in to follow this  
Deeq A.

UN-ka oo wacyi-gelinta Covid-19 ka bilaabay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (SMN) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa wacyi galinta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus ka bilawday qeybo kamid ah deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland

Saraakiil caafimaad oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo safar ku tagay gobolka Gedo, iyagoo booqday dad ku barakacay xiisadaha ka taagan Beledxaawo oo ku sugan duleedka degmada Dooloow ee gobolka Gedo,iyagoo agab nadaafadeed ugu deeqay bakaracayaashaasi.

Intii ay ku sugnaayeen xeryaha barakac degmada Dooloow saraakiisha caafimaad ayaa dadka halkaasi ku nool ka wacyi galiyay qatarta cudurka COVID-19 ee dilaaga ah,sida uu ku faafi karo iyo waxyaabaha loo baahanyahay,si cudurkaasi ay uga feejignaadaan.

Saraakiisha caafimaad ee ka socday UNHCR ayaa dadka barakacayaasha la wadaagay in agabka loogu deeqay ay fududeynayaan in sare loo qaado nadaafadda,maadaama nadaafadda oo sare loo qaado ay kamid tahay tilaabooyinka cudurka Coronavirus looga hortago.

Sidoo kale dadka barakacayaasha ay booqdeen saraakiishan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa uga mahad celiyay booqashadooda iyo sida ay wax uga badaleen ka war qabkooda cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Geeska Africa ee uu soo gaaray cudurka COVID-19, sidda ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya,waxaana hay’adaha caafimaadka,kuwa samafalka iyo xukuumadda Soomaaliya ay sameynayaan wacyi gelin bulshada looga digayo khatarta iyo saameynta cudurkaasi uu geysan karo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this