Deeq A. Posted April 2, 2020 Kismaayo (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lasoo sheegayaa in ay wali ka jirto degaanadii lagu dagaalamay ee duleedka Galbeed ee Kismaayo. Maxamed Xasan Cali, oo kamid ah dadka degaanka lana soo xiriiray idaacada Shabelle, ayaa sheegay dhinacyada ay wadaan hub uruursi. Isagoo wareysi gaar ah siiyey Radio Shabelle, Mr Cali ayaa daboolka ka qaadey in ciidamada maamulka Jubaland ay dagaalka qeyb ka yihiin. Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam uu ku lug-leeyahay hurinta colaad beeleedkaas. Dhanka kale, ma jirto wax war ah oo ku saabsan colaad beeledkaas oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Jubaland. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Jubaland.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites