Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo maqaayad ku laayey 14 qof oo Shacab ah oo isku dhiibay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

(Diinsoor – Caasimadda Online) Wararka ka imaanaya dagmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Koofur Galbeed ay u goosteen Al-Shabaab kadib markii ay laayeen dad shacab ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in dadka shacabka ah ee la laayahay ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah oo ku taala Diinsoor.

“Dadka la laayay waxey tiradooda gaareysaa 14-qofood, waxaana ku jira laba ka tirsan ciidamada Federaalka, sidoo kalana dhaawac saddex ah ayaa jira” ayuu yiri qof goob jooge oo ah ehelkiisa ay qeyb ka noqdeen dadka geeriyooday.

Sida la fahamsan yahay ciidamada falkaan geystay waxey ilaalo u yahiin mid ka mid ah masuuliyiinta dagmada Diinsoor, waxaana jira khilaaf siyaasadeed oo maalmahaan jiray.

Waxey dadka deegaanka ogyahiin in khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka dagmada, balse midkoodna kama hadlin arinta dhacday iyo sababta ay ku timid.

Wariye madax banaan oo ku sugan Diinsoor ayaa sheegay in ciidamada ay wali isku hor fadhiyaan magaalada, xaaladdana ay tahay mid kacsan, wuxuuna sidoo kale qiray in Gudoomiyaha dagmada uu hoosta ka galay ciidamada Itoobiya.

Wali waxaa Diinsoor laga dareemayaa hub aruursi, waxaana la dareensan yahay dhinacyada isku haya siyaasadda ay wali xal u arkaan in gacmaha la iskula tago.

Madaxda Maamulka Koofur Galbeed ayaan ilaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin dhibaatada loo geystay dadka shacabka ah iyo dirirta la sheegay iney u dhaxeyso labadaas masuul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this