Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo lagu wareejiyey 7 qof oo loo karantiilay COVID19

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wareejiyay todoba qof oo lagu karantiilay magaalada Garowe sida ay ku dhawaaqeen guddiga ka hortagga faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Sida ay guddiga sheegeen, shaqsiyaadkaan ayaa kasoo gudbay xadka maamulka Somaliland, sidoo kale saddex qofood ayaa la sheegay in lagu sii heyn doono magaalada Garowe si ay u dhameystaan mudada xilli huuriska.

Guddiga waxey sheegeen in maamulka uu hogaamiyo Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor) ay ku wareejiyeen maalintii ugu horreysay bishaan toddoba qofood.

Wararka laga helayo Garowe waxey sidoo kale cadeynayaan in deegaanada Puntland uusan ka jirin wax kiis ah oo la xiriira Coronavirus, si la mid ah wali ma jirto wax kiis cusub ah oo la diiwaangaliyay.

Shacabka Puntland waxaa lagu dhiirigaliyay iney u hogaan-samaan awaamiirta xukuumadda ee lagu doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka xanuunkaan adduunyada dhibaatada ku haya.

Halkaan ka Akhriso Bayaanka:

91222416_2949613275119432_51860452432328

91465039_2949613385119421_70019687418104

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this