Sign in to follow this  
Deeq A.

UN-ka oo ka tacsiyeeyey geerida Nuur Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo kasoo baxay waxaa looga hadlay geerida allaha u naxariistee ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday cariga Ingiriiska.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa looga tacsiyadeeyay geerida allaha u naxariistee ra’iisal wasaarihii hore ee Somaaliya marxuum Nuur Cade.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa qoraalka ay soo saarteen umadda Soomaaliyeed,dowladda federaalka iyo eheladii uu ka baxay uga tacsiyadeysay geerida allaha u naxariistee marxuum Nuur Cade oo dhawaanahan ku xanuunsanaa magaalada London ee caasimada UK.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa xilka ra’iisal wasaarenimo ee dalka hayay inta ii u dhexeysay 2007-2008,waxaana ra’iisal wasaare u magacabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo hogaaminayay dowladii ku meel gaarka aheyd.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka allaha u naxariistee marxuum Nuur Cade wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938-dii,waxaana shalay isagoo 82 jir ah uu ku geeriyooday magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this