Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandowgii Puntland soo rogtay oo xalay Gaalkacyo ka dhaqan-galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa xalay si rasmiya uga dhaqan-galay, bandowgii ay xilliga Habeenkii ah soo rogtay xukuumadda Puntland, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus.

Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, oo kaashanayaa  laamaha Amniga gobolka, ayaa si rasmiya u dhaqan-geliyay Amarkii ka soo baxay guddiga xukuumadda Puntland u qaabilsan ka hortaga cudurka COVID-19, kaas oo ahaa in laga bilaabo lixda makhribnimo ilaa iyo shanta aroornimo ay bandow yihiin magaalooyinka Puntland.

Guddoomiyeh ku Xigeenka gobolka Mudug Xassan Cabdulaahi Warsame iyo duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali oo xalay kormeer ku soo maray xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in uu sidii la rabay u magaalada uga dhaqan-galay bandowgaas.

Sidoo kale, dhammaan magaalooyinka kale ee Puntland ayuu xalay ka dhaqan-galay bandowga ay soo rogtay xukuumadda Puntland, kaas oo socon doona mudda laba todobaad ah, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

1-2.jpg?w=1000&ssl=1 8.jpg?w=1000&ssl=1 2-2.jpg?w=1000&ssl=1 3-2.jpg?w=1000&ssl=1 4-1.jpg?w=1000&ssl=1 5-1.jpg?w=1000&ssl=1 7.jpg?w=1000&ssl=1 6.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Bandowgii Puntland soo rogtay oo xalay Gaalkacyo ka dhaqan-galay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this