Sign in to follow this  
Deeq A.

Kontaroolka laga ilaaliyo guriga Shariif oo la rasaaseeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gaari nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay kontaroolka laga ilaaliyo guriga Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Gaarigan oo wararku sheegayaan inuu leeyahay xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa si’ bareer ah u furay rasaasta, waxaana ciidanka ilaalada Sh. Shariif la xusay in ay muujiyeen masuuliyadd wax jawaab celin ahna kama bixin falkaas oo ay ka dhalan kartay xaalad dagaal.

“Masuuliyadda ay muujiyeen ilaalada Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa muujineysa wacyi gelinta ay ka heystaan hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu ugu horreeyo Madaxweynihi hore, waxaana tani noqoneysaa isku deygi seddexaad oo ah xaalad abuur lagu beegsaday Hoyga Madaxweynaha iyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madasha.

Xildhibaan Yusuf Hussein Gama’diid, Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa kormeeray barta kontrool ee la rasaaseeyey.

Image may contain: 1 person, outdoorImage may contain: tree, sky, plant, house and outdoorNo photo description available.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this