Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka KG oo doortay guddoomiye cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay xildhibaan Cali Siciid Fiqi, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Fiqi ayaa cod aqlabiyad leh ugu soo baxay doorashadaasi oo uu kula tartamayey musharrax Maxamed Cabdiraxmaan.

Fadhiga ay maanta yeesheen xildhibaada cusub ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa goobjoog ahaa aillaa 93 xildhibaan, kuwaas oo doorashada guddoonka ka qeyb-galay

Sida uu ku dhaawaqay guddoomiyaha guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka  waxaa doorashada ku guuleystay Fiqi oo helay 83 cod, halka musharraxa kale helay 2 cod.

Sidoo kale waxaa goor dhow lagu gala deli doonaa doorashda guddoomiye ku xigeenka  koowaad iyo ku xigeenka labaad oo ay u taagan yihiin illaa saddex musharrax oo kala ah: xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed iyo xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u taagan xilka ku xigeeka koowaada, halka xildhibaan Shamso Maxamed Yarowa ay kaliya u sharraxan tahay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this