Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Nuur Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

R/wasaaraha Xukuumadda Fedeaalka ee Soomaaliya Mudan Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday dalka UK.

Ra’iisul wasaare Khayre  axa uu ka waramay doorkii shariifka ahaa ee uu ka soo qaatay dhismaha dowladda iyo horumarada kale ee uu ku lahaa hey-adaha bixiya adeegyada bulshada.

Khayre wuxuu marxuum Nuur Cadde Alle uga baryay  in uu ka waraabiyo Janatul Fardawsa ,isagoo qoyskii iyo asaxaabtii uu ka baxayna  u rajeeyay samir iyo iimaan.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Nuur Cadde oo saaka ku geeriyooday London ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay la xanuunsana cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya caalamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this